Baydhabo (Dawan) — Jaamacadaha SIMAD iyo Baidoa International University (BIU) ayaa Baydhabo ka bilaabaya barnaamijyo Master iyo PhD ah, si waxbarashada heerka sare loogu soo dhaweeyo ardayda iyo xirfadlayaasha ku nool Koonfur Galbeed Soomaaliya.
SIMAD ayaa Dawan u sheegtay maanta oo Sabti ah in qorshuhu ka kooban yahay 11 barnaamij oo Master ah iyo saddex PhD, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga waxbarasho ee ay jaamacaddu la leedahay Open University Malaysia (OUM). Barnaamijyada Master-ka waxaa ka mid ah maamulka ganacsiga, Data Science, caafimaadka bulshada, xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, siyaasadda iyo qorsheynta waxbarashada, siyaasadda guud, xisaabaadka iyo maaliyadda Islaamiga ah.
Waxa kale oo la bixinayaa maamulka iibka iyo saadka, maamulka shidaalka iyo gaaska, iyo maaraynta khataraha musiibooyinka iyo horumarka waara. Saddexda barnaamij ee PhD-ga ah waxay kala yihiin maamulka ganacsiga, tiknoolajiyadda macluumaadka iyo cilmiga bulshada.
Barnaamijyada Master-ku waxay socon doonaan laba sano, halka PhD-gu qaadan doono muddo u dhexeysa saddex ilaa shan sano. Taariikhda ay fasalladu bilaabanayaan waxaa la shaacin doonaa marka la dhammaystiro diiwaangelinta iyo sameynta kooxaha ardayda. Waxbarashada ayaa lagu bixin doonaa hab isku-dhafan oo ka kooban fasallo la xaadirayo iyo kuwo online ah.