Dhuusamareeb (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka uusan jirin qof siyaasad aawadeed u xiran, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid muujinaysa dulqaadka dowladda iyo sida ay ugu furan tahay wadahadalka.
Madaxweynaha oo habeenimadii Khamiista ka hadlayay munaasabad lagu sagootinayay martidii ka qaybgashay caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug, taas oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, ayaa yiri: “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya maanta kama jiro qof maxbuus ah oo siyaasad aawadeed u xiran.”
Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka jeediyay xilli ay siyaasiyiin mucaarad ahi sheegayaan inaysan dalka ku haysan ammaan ku filan.
“Dadka qaarkiis waxay sheegayaan in aanay ammaan ahayn, xagga iyo xagga ammaan ma aha. Waana taa aan idiin sheegayo, qof siyaasad u xiran ma jiro. Marka qofka siyaasiga ah maxaanu u dareemi karin inuu ammaan yahay haddii aan la soo xirin?” ayuu yiri.