Muqdisho (Dawan) – Jaamacadda SIMAD ayaa maanta dhagax dhigtay xarun cusub oo loogu talagalay culuumta iyo tiknoolajiyada, taasoo marka ay dhammaato qaadi doonta ilaa 15,000 oo arday, waxayna noqon doontaa mid ka mid ah xarumaha waxbarasho ee ugu waaweyn dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta oo lagu dhisayo dhul dhan 84,000 m² oo ku yaal Degmada Deyniile. Mashruucan waxay SIMAD ku fulinaysaa iskaashi ay la leedahay hay’adda Direct Aid ee dalka Kuwait, waxaana dhisaysa shirkadda Mogadishu Star. Dhismaha ayaa la filayaa inuu qaato ugu badnaan afar sano.
“Illaa 15,000 oo arday ayay qaadi doontaa. Waxay noqon doontaa xarun lagu barto culuumta iyo tiknoolajiyada, oo leh dhammaan agabka iyo adeegyada casriga ah ee loogu talagalay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Cabdikariim Muhidiin Axmed
Si loo qaabilo tirada ardayda ee ballaaran, Dhismaha Waxbarashada iyo Maamulka oo keligiis ah 38,000 m² ayaa yeelan doona 91 fasal, 30 hool muxaadaro, 36 shaybaar iyo 3 maktabadood, oo ay weheliyaan xafiisyada macallimiinta, xarumaha adeegga ardayda iyo goobo wada-barasho. Xaruntu waxay sidoo kale yeelan doontaa hool shirar oo qaada 1,600 qof, masjid qaada 1,500 tukade, maqaayad weyn, garoomo ciyaareed, hoy leh 96 qol iyo xarun ganacsi oo leh 64 dukaan.