Muqdisho (Dawan)– Jaamacadda SIMAD ayaa habeenkii Jimcaha ku dhawaaqday darajooyin aqooneed oo la siiyay 35 ka mid ah barayaasheeda, iyadoo sheegtay inay noqotay jaamacaddii ugu horreysay Soomaaliya ee darajooyin ku bixisa qiimayn ay sameeyeen khubaro ka socday Bariga Afrika.
Darajooyinka ayaa kala ahaa 12 Professor, 9 Associate Professor iyo 14 Assistant Professor, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay jaamacaddu soo saartay.
Jaamacadda ayaa sheegtay in qiimaynta ay sameeyeen khubaro madax-bannaan oo ka socday jaamacado ku yaalla Kenya, Uganda iyo Tanzania, kuwaas oo ka tirsan Golaha Jaamacadaha Bariga Afrika (IUCEA). Khubaradu waxay qiimayntooda ku saleeyeen halbeegyada jaamacadaha dowladda ee Bariga Afrika iyo qabyo-qoraalka halbeegyada Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare ee Soomaaliya (NCHE), sida ay jaamacaddu sheegtay.
Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Cabdikariin Muxudiin Axmed, ayaa u mahadceliyay khubaradii qiimaynta sameeyay. “Waxaan u mahadcelinaynaa walaalaheen nooga yimid Kenya, Tanzania iyo Uganda, kuwaas oo dalalkooda ka soo ambabaxay si ay uga qayb qaataan qiimaynta macallimiinta Jaamacadda SIMAD si darajooyin loo siiyo,” ayuu yiri.