Kismaayo 17 December 2025 (Dawan)– Siyaasiyiinta ugu tunka wayn Mucaaradka ayaa maanta iska xaadiriyay magaalada Kismaayo oo martigelineysa shir ay isagu imaanaya hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya, gaar ahaan siyaasiyiinta ku mideysan Madasha Mustaqbalka Soomaaliya.
Siyaasiyiinta gaaray Kismaayo waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo sidoo kale xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo masuuliyiin hore oo xilal kala duwan soo qabtay.
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo soo dhaweeyay siyaasiyiinta ayaa sheegay inu rajo wayn ka qabo in shairka ay kasoo baxaan go'aano muhiim ah oo dan u ah dadka iyo dowladniamda Soomaaliye, isaga oo bartiisa Facebook kusoo qoray; " Waxaan rajo weyn ka qabnaa in Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu horseedi doono jihayn wax ku ool ah oo wax ka qabata xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka, isla markaana laga soo saari doono ajandayaal waaweyn oo ka tarjumaya danaha guud, una gogol xaaraya hirgelinta himilooyinka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed"




