Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Dhisidda Adkeysiga Maaliyadeed ee Soomaaliya (ADRiFi), oo ku kacaya ku dhowaad 19 milyan oo dollar.
Mashruucan ayaa loogu talagalay xoojinta awoodda Soomaaliya ee ka hortagga iyo maaraynta khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo masiibooyinka, iyadoo si gaar ah loo taageerayo bulshooyinka nugul ee ay saameeyaan abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee la xiriira cimilada.
Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya bulshada xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, iyadoo la doonayo in la taageero noloshooda iyo nolol-maalmeedkooda marka ay la kulmaan khasaaraha ka dhasha abaaraha iyo masiibooyinka kale.
Mashruuca waxaa iska kaashanaya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, Maareeyaha Mashruuca ADRiFi ee Bangiga Horumarinta Afrika, Donald Singue, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Xuseen Cali Xaaji, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Dr. Saleebaan Sheekh Cumar.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in mashruucan oo ku kacaya ku dhowaad 19 milyan oo dollar uu muhiim u yahay xoojinta adkeysiga bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul.