Soomaaliya, 2 Maarso 2026 (Dawan)– Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA) ayaa 125 booyadood oo biyo ah gaarsiisay degmada Wisil ee gobolka Mudug, oo ay si ba’an u saameeyeen abaaraha, taasoo qayb ka ah dadaallada gargaarka degdegga ah ee lagu wajahayo xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaaneysa.
Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiyaha SODMA, ayaa gargaarkan wareejiyay maanta oo Isniin ah, isagoo ku guda jiray maalintii saddexaad ee socdaal qiimeyn ah oo uu ku marayay deegaannada dowlad-goboleedka Galmudug.
Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in hay’addu mudnaan siinayso dhageysiga guddiyada deegaanka si loo hubiyo in jawaabta la bixinayo ay la jaanqaaddo baaxadda dhibaatada, isla markaana ay ka go’an tahay taageeridda qoysaska nugul.
Gargaarkan ayaa daba socda hawlgallo biyo-dhaamin ah oo labadii maalmood ee la soo dhaafay laga fuliyay degmooyinka Xeraale iyo Baxdo, halkaas oo la gaarsiiyay wadar ahaan 170 booyadood oo biyo ah si loo yareeyo biyo-yaraanta ba’an.







