Baardheere (Dawan) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa sheegtay inay gargaar bani’aadannimo gaarsiisay Isniintii ku dhowaad 2,000 oo qoys oo ay saameeyeen abaaraha ka jira degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
SoDMA ayaa sheegtay in guddoomiye ku-xigeenka hay’adda, Axmed Cabdi, uu safar shaqo ku tagay deegaanka, halkaas oo uu kormeeray qaybinta gargaarka loo fidinayo qoysaska ay saameeyeen xaaladaha abaarta.
Hay’addu waxay sheegtay in gargaarkan loogu talagalay qoysaska nugul ee ku sugan degmada Baardheere, halkaas oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ka kala yimid deegaanno kala duwan oo dalka ah.
Axmed Cabdi ayaa sheegay in SoDMA ay sii wadi doonto gurmadka iyo taageerada bani’aadannimo ee la gaarsiinayo deegaannada kale ee ay abaaruhu saameeyeen.


