Buurhakaba (Dawan ) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta oo Talaado ah gargaar cunno ah u qeybisay 2,500 oo qoys oo ay abaartu saameysay degmada Buurhakaba, iyadoo masuuliyiintu ka digeen xaalad bani’aadannimo oo sii xumaaneysa guud ahaan dalka.
Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle, ayna qeyb ka ahaayeen Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed iyo hay’adaha gargaarka, ayaa gaaray degmada Buurhakaba oo lagu tilmaamay mid kamid ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen abaarta iyo cunno yarida.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in howlgalka gargaarka ay taageertay dowladda Shiinaha.
Guddoomiyaha SODMA ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso dhibaatooyin isbiirsaday oo ay kamid yihiin abaarta, colaadaha, sare u kaca qiimaha cunnada iyo hoos u dhaca taageerada caalamiga ah ee bani’aadannimo.
“In ka badan 6 milyan oo qof ayaa wajahaya cunno yari, halka ku dhowaad 2 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano ay la ildaran yihiin nafaqo darro,” ayuu yiri Maxamuud Macallin Cabdulle.


