Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa ka digtay duufaanno onkod wata oo la filayo inay saameeyaan qaybo kamid ah gobollada Bari iyo Nugaal inta u dhexeysa 12-ka illaa 17-ka May.
Digniin degdeg ah oo ay hay’addu soo saartay maanta oo Talaado ah ayaa lagu sheegay in degmooyinka Xaafuun, Eyl, Dangoroyo, Bandarbayla, Qardho iyo Garoowe ay wajihi karaan roobab culus, dabeylo xooggan iyo duufaanno onkod wata.
Hay’addu waxay sidoo kale ka digtay daadad xoogan, mowjado badeed sareeya iyo carqalado ku yimaada isu socodka iyo kalluumeysiga xeebaha.
Sida ay sheegtay SoDMA, saadaasha cimiladu waxay muujinaysaa in duufaannada onkodka wata ay sii xoogeysan karaan maalmaha soo socda, gaar ahaan deegaannada waqooyi-bari ee Soomaaliya.
Hay’addu waxay bulshada kula talisay inay ka fogaadaan safarrada badda ee aan daruuriga ahayn, halka kalluumeysatadana loogu baaqay inay u guuraan meelaha amniga leh inta digniintu socoto.


