Muqdisho (Dawan ) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa ka digtay khatar fatahaado iyo daadad degdeg ah oo ka dhalan kara roobabka xilliga Gu’ga, sida ay sheegtay hay’adda Arabacadii.
Saadaasha toddobaadka u dhexeeysa dhammaadka bisha Abriil iyo bilowga Maajo 2026 ayaa muujinaysa in roobab dhexdhexaad ah ay ka da’i doonaan gobollada Gedo, Bay, Bakool, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe iyo Banaadir, kuwaas oo la filayo inay gaaraan 50 ilaa 80 millimitir, sida ay SoDMA sheegtay.
Gobollada Togdheer, Waqooyi Galbeed, Sool, Sanaag, Nugaal, Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan ayaa sidoo kale la filayaa inay helaan roobab ka hooseeya heerkaas oo gaaraya 20 ilaa 50 millimitir.


