Jowhar, 10 Nov. 25— Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya maanta looga bixi karo isku tashi bushada dhexdeeda ah, iyada oo hoos u dhac weyn uu ku yimid gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya sanadkan, kaas oo ka dhashay go’aankii Mareykanka uu ku dhimay miisaaniyaddiisa caalamiga ah ee gargaarka, taas oo keentay in Soomaaliya hesho oo kaliya 19% lacagtii ay codsatay.
“Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee hoos u dhaca gargaarka waa go’aankii Mareykanka uu ku dhimey miisaaniyaddiisa gargaarka caalamka, waxayna si toos ah u saamaysay Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA, isagoo xusay in tani muujineyso baahida loo qabo in la dhiso nidaam gargaar oo ay Soomaalidu hoggaamiso.
Wuxuu sheegay in arrinta ugu dhiirrigelinta badan ay tahay in Soomaaliya dhexdeeda ay noqotay deeq-bixiyaha 9-aad ee ugu weyn, taas oo caddeyneysa in ganacsiga, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha maxalliga ah ay door muhiim ah ka ciyaari karaan jawaabta gargaarka.








