Kismaayo (Dawan) — Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gargaar raashin ah gaarsiisay 6,000 oo qoys oo ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanka Ceelhuur oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kuwaas oo intooda badan ay saameeyeen abaaraha daba dheeraaday iyo colaadaha.
SoDMA ayaa sheegtay in 4,500 oo qoys ay ka faa’iideysteen gargaarka raashinka ee lagu qeybiyay magaalada Kismaayo, halka 1,500 oo qoys oo kale lagu gaarsiiyay deegaanka Ceelhuur, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu taageerayo dadka nugul ee wajahaya xaalado nololeed oo adag.
Munaasabadaha lagu qeybiyay gargaarka ee ka dhacay labada goobood waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan SoDMA, madaxda maamullada deegaanka iyo xubno ka socday bulshada ka faa’iideysatay deeqda.
Mas’uuliyiinta SoDMA ayaa sheegay in dadka la gaarsiiyay gargaarka ay isugu jiraan qoysas ka barakacay abaaraha iyo kuwa ay saameeyeen colaadaha la xiriira dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kuwaas oo u baahan taageero bani’aadannimo.