Muqdisho (Dawan)— Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa axadii ku dhawaaqday in Somali Airlines ay isku diyaarinayso dib u bilaabista duulimaadyadeeda, iyadoo duulimaadkii ugu horreeyay la filayo inuu billowdo bartamaha Sebtembar 2026.
Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin, ayaa sheegay in shirkaddu ay marayso wejigii ugu dambeeyay ee diyaar-garowga, isla markaana la dhammeystirayo howlaha lagama maarmaanka u ah dib u howlgelinteeda.
“Somali Airlines waxay maraysaa diyaar-garowgii ugu dambeeyay, waxaana la filayaa in duulimaadkeedii ugu horreeyay uu bilaabmo bartamaha Sebtembar 2026,” ayuu yiri Axmed Macallin.
Dib u soo noqoshada shirkadda ayaa noqonaysa dhacdo taariikhi ah, kaddib markii Somali Airlines ay hakisay duulimaadyadeeda xilligii burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalladii sokeeye ee billowday horraantii sagaashamaadkii.
Qorshaha dib loogu soo nooleynayo shirkadda ayaa marxaladda hore ku salaysan laba diyaaradood oo nooca Airbus A320 ah, kuwaas oo loo qorsheeyay inay laf-dhabar u noqdaan duulimaadyada gudaha iyo kuwa gobolka.