Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa shalay magaalada Hargeysa si rasmi ah uga daahfuray Machadka Aqoonsiga iyo Madaxbannaanida Somaliland, oo uu sheegay inuu diiradda saari doono uruurinta taariikhda Somaliland iyo xoojinta doodaha la xiriira aqoonsi raadinta.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in guddoomiyaha machadkan uu noqon doono Gavin Williamson, oo ah xildhibaan si weyn u taageera dhaqdhaqaaqa aqoonsi raadinta Somaliland. Waxa uu xusay in machadkan cusub uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta cilmi-baarista iyo soo bandhigista doodaha ku saabsan madaxbannaanida Somaliland.
“Waxaan maanta magaalada Hargeysa ka daahfuray Machadka Aqoonsiga iyo Madaxbannaanida Somaliland,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, ujeeddooyinka loo aasaasay machadkan waxaa ka mid ah keydinta iyo uruurinta taariikhda Somaliland, iyo sidoo kale taageeridda dadaallada lagu xoojinayo doodaha aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland.


