Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland ayaa 7 October 2026 digniin u dirtay dadka ku nool meelaha ku dhow togagga. Wasaaraddu waxay ka digtay in roobab mahiigaan ah oo toddobaadkan la filayo inay keeni karaan fatahaado. Waaxda saadaasha hawada ee wasaaradda ayaa soo saartay saadaasha toddobaadka, oo ka bilaabmaysa 7-da ilaa 13-ka bisha. Saadaashu waxay muujinaysaa in qaybo badan oo Somaliland ah laga filayo roobab dhexdhexaad ah ilaa roobab culus.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, roobabka ugu badan waxaa laga filayaa Borama, Gabiley, Hargeysa, Sheekh iyo Burco. Roobabka aadka u culus waxaa lagu qiyaasay 150 ilaa 250 milimitir, waxaana laga filayaa inay ka da'aan koonfurta Borama, bartamaha Gabiley, bartamaha iyo koonfur-galbeed Hargeysa, koonfur-bari Sheekh iyo waqooyiga Burco
"Saadaashu waxay sheegaysaa in roobabka toddobaadkan ay aad uga badan yihiin xaddiga caadiga ah," ayay tiri wasaaraddu. Waxay intaas ku dartay in warbixintan loo baahan yahay in la gaarsiiyo bulshada iyo dhammaan laamaha dowladda. Wasaaraddu waxay ugu baaqday dadka degan meelaha toogaggu ka dhow yihiin inay iska ilaaliyaan fatahaadaha roobabku keeni karaan.