Somaliland, 6 December 2025 (Dawan) –Somaliland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ku eedeysay hurinta iyo ka qeyb qaadashada banaanbaxyada kharaaraha geysay ee ka socda Boorama, iyagoo sheegtay ficillada xukuumadda Soomaaliya ay kordhiyeen rabshadaha ka socday magaalada Boorama ee gobolka Awdal.
Eedeyntan ayaa timid ka dib markii Banaanbaxyo ka dhacay Boorama ay sababeen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo Somaliland ay sheegtay in ficillada dowladda Soomaaliya ay ku lug leeyihiin.
War-saxaafadeed ay maanta Soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay wado ficilo qorsheysan oo kicinaya xiisad siyaasadeed, warar been abuur ah iyo ka shaqeynta kala qeybinta bulshada.
“Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si xooggan u cambaaraynaysaa faragelinta iyo falalka amni‑xumada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan xaaladda Borama. Falalka maamulka Soomaaliya ayaa si ula kac ah, isku duuban, una cad in loo jeediyo in lagu kiciyo xiisado, lagu faafiyo warar khaldan, lana balaarinayo kala‑qaybsanaanta bulshada nabdoon ee Somaliland.” Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Somaliland.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegtay in Somaliland aysan oggolaan doonin in dowladda Soomaaliya ay ku lug yeelato arrimaha gudaha ee deegaanada Somaliland, gaar ahaan isku dayga ay ugu yeertay in lagu kala qeybinayo midnimada iyo xasilloonida bulshada Somaliland.








