Somaliland (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah u go’aamiyay in la joojiyo dhammaan xafladaha, munaasabadaha iyo barnaamijyada abaal-marinta shaqaalaha , laga bilaabo maanta (15 Febraayo 2026). Go’aankan ayaa la xiriira xaaladaha abaaraha ba’an ee ka jira deegaannada Somaliland, kuwaas oo si weyn u saameeyay nolosha iyo dhaqaalaha bulshada.
"Waxa aan qoraalkan idinkula socodsiinayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu si rasmi ah u go’aamiyey in la joojiyo dhammaan Xafladaha, Munaasibadaha iyo Barnaamijyada Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Feb 2026, ilaa amar dambe laga soo saaro" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska Cirro.
Qoraalka ayaa intaas ku daray in abaaruhu ay sababeen biyo-yaraan, khasaare culus oo soo gaaray xoolaha nool, barakac, iyo culays nololeed oo ku yimid qoysas badan, gaar ahaan bulshada reer miyiga ah iyo dadka danyarta ah.





