Hargeysa (Dawan ) – Somaliland ayaa sheegtay inay si rasmi ah u bilowday olole lagu dhaqan gelinayo qiimaha shidaalka ee ay xukuumaddu dejisay, iyadoo ujeeddadu tahay in la xasiliyo suuqa isla markaana la hubiyo isku mid ahaanshaha qiimaha shidaalka ee dhammaan deegaanada.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa sheegtay in hawlgalku ka bilaabmay dhammaan gobollada, iyadoo gobolka Maroodi-jeex uu yahay mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee laga fulinayo qorshahan. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, isku-duwayaasha wasaaradda iyo kooxaha fulinta ayaa kormeer ku sameynaya kaalmaha shidaalka si loo hubiyo inay hirgeliyeen go’aanka.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in hawlgalkan lagu fulinayo iskaashi lala sameeyay ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska qaybaha bari iyo galbeed ee magaalada Hargeysa, si loo xaqiijiyo in si buuxda loo raaco qiimaha cusub ee la dejiyay.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, qiimaha go’an ee shidaalka ayaa lagu cayimay $0.96 halkii litir ee naaftada iyo $0.97 halkii litir ee baatroolka, iyadoo tallaabadan loogu talagalay in lagu nidaamiyo suuqa lagana hortago isbeddelka qiimaha.
