Hargeysa (Dawan) — Maamulka Somaliland ayaa si adag uga falceliyay hadalladii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, kuwaas oo uu kaga hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.
Erdoğan ayaa sheegay in dalalka Geeska Afrika ay u baahan yihiin inay si wadajir ah xal ugu helaan dhibaatooyinka gobolka, isla markaana aan gobolka loo rogin goob ay ku hardamaam quwadaha shisheeye.
Wuxuu si gaar ah u xusay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland inuusan faa’iido u lahayn Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.







