Qudus (Dawan) – Somaliland ayaa caawa ay Isniin sii baxeyso sheegtay inay safaarad ka furatay magaalada Qudus, tallaabo ay Madaxtooyadeedu ku tilmaantay mid taariikhi ah oo xoojinaysa xiriirka ay la leedahay Israel iyo dadaalladeeda aqoonsi-raadinta caalamiga ah.
Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda intii uu ku jiray booqashadiisa rasmiga ah ee Israel.
Waxay sheegtay in safaaraddan ay tahay tii ugu horreysay ee Somaliland ka furato waxa ay ku tilmaantay caasimad diblomaasiyadeed oo caalami ah, iyadoo intaas ku dartay in Somaliland ay noqotay sida ay hadlka u dhigtay dalkii siddeedaad ee safaarad ka furta Qudus.