By Sayyid Omar
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Cabdullaahi Daahir Jaamac ayaa ku dhawaaqay Salaad roobdoon ah, oo laga tukanayo dhamaan deegaannada iyo degmooyinka Somaliland.
Wasiirka oo ku sugan degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa salaaddii Jimcaha ka dib sheegay in maalinta Axada ah taariikhduna ku beegan tahay 6 April, 2025 laga doonayo Bulshada ku nool degaannada Somaliland in ay u istaagaan Salaad Roobdoon ah.
Wasiirka ayaa guddoomiyaasha degmooyinka iyo gobollada Somaliland faray in ay hoggaan u noqdaan, sidoo kalena ay abaabulaan shacabka, maalintaasna si wadajir ah looga wada qeyb qaato tukashada salaadda roobdoonka.