Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa kulan la yeeshay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland, iyadoo guddiga uu soo bandhigay qorshe lagu casriyeynayo kaydinta iyo maamulka xogteeda.
Guddiga wuxuu Madaxweynaha u sheegay in qorshaha casriyeynta uu ka mid yahay in dhammaan xogta uu haayo loo beddelo kayd xogeed dijitaal ah (Digital Database), sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland Isniintii.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda, ku-dhaqanka iyo kor-joogtaynta shuruucda, iyo gudashada waajibaadka guddiga ee la xiriira ururrada siyaasadda iyo axsaabta Somaliland.
Guddiga wuxuu Madaxweynaha uga warbixiyay halka ay marayso shaqadeeda, qorshayaasha dhow iyo kuwa fog iyo caqabadaha ay wajahayso.
Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha u gudbiyay Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee 2025-2026, oo ay ku jiraan qorshayaal la xiriira horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo axsaabta badan.