Qudus (Dawan) – Somaliland ayaa sheegtay inay Israel la saxiixatay baaq iskaashi istaraatiiji ah inta lagu guda jiray booqashada uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ku tagay Israel, taas oo ay ku tilmaantay marxalad cusub oo xiriirka labada dhinac ah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Cirro ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.
Madaxtooyadu waxay sheegtay in baaqa iskaashiga istaraatiijiga ah uu dhisayo hannaan xiriir muddo dheer ah oo labada dhinac uga wada shaqeynayaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in heshiiskaasi loogu talagalay in lagu abuuro qaab rasmi ah oo lagu xoojinayo iskaashi qoto dheer oo ku saleysan is-ixtiraam, kalsooni iyo dan-wadaag.