Soomaaliya, 3, November 2025 — Somaliland ayaa ku dhawaaqday in dhammaan duulimaadyada rayidka ah laga doonayo oggolaansho hore ka hor inta aysan soo gelin ama adeegsan hawadeeda, iyadoo Somaliland xoojinayso sheegashada madax-bannaanida hawada.
Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Garoomada ayaa Axaddii sheegtay in amarka cusub uu dhaqan geli doono 10-ka November 2025, isla markaana uu khuseynayo duulimaadyada jadwalkooda leh iyo kuwa aan lahayn, diyaaradaha ganacsiga iyo duulimaadyada guud.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in diyaaradaha aan haysan ruqsadda la soo saaray loo tixgelin doono kuwa jebiyay xeerarka hawada ee Somaliland, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah. Wasaaraddu waxay sheegtay in ujeedadu tahay in la xoojiyo amniga duulista, maamulka hawada iyo u hoggaansanaanta heerarka gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
“Duulimaad kasta oo aan heysan oggolaansho hore waxaa loo arki doonaa ku xad-gudub karaamada qaran, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka gudaha iyo kuwa caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka MOCAAD.
Somaliland oo ku dhawaaqday gooni-isu-taag 1991-kii haddana aan helin aqoonsi caalami ah, waxay ku adkaysataa inay iyadu maamusho hawadeeda. Hase yeeshee, Ururka Duulista Caalamiga ah (ICAO) ayaa si rasmi ah u aqoonsan Dowladda Federaalka Soomaaliya inay maamusho hawada dalka, kadib markii Qaramada Midoobay ogolaatay maamulka dib ugu wareejisay Soomaaliya 2018-kii, taa soo Soomaliya si rasmi ah ay ula wareegtay 2023dii.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda federaalka ay dhawaan ku dhawaaqaday nidaamyo cusub oo maamulka duulista, oo ay ku jiraan barnaamijka e-visa, kaas oo Somaliland hore uga hor timid.



