Tanzania, 16 Febraayo 2026 (Dawan)– Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) lagu fududeynayo maareynta socdaalka, kaas oo dhigaya in fiisaha laga dhaafo dadka sita baasaboorka diblomaasiga ah, halka fiisayaasha caadiga ah lagu bixin doono muddo 24 saacadood gudahood ah, sida ay maanta oo Isniintii ah sheegtay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA).
"Labada dhinac ayaa isla qaatay in la hirgeliyo qodobbada heshiiska, kuwaas oo diiradda saaraya isu-socodka muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda, kuwaas oo laga dhaafay dal-ku-galka (visa). Sidoo kale, muwaadiniinta ku safaraya baasaboorrada caadiga ah ee labada dal ayaa 24 saacadood gudahood ku heli doona dal-ku-gal, si loo fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta iyo ganacsatada" ayaa lagu yiri. qoraal kasoo baxay Hay'adda
Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Tanzania, Patrobas Paschal Katambi, iyadoo ujeeddadiisu tahay fududeynta safarrada rasmiga ah ee dowladda, ganacsiga, iyo isu socodka ardayda labada dal ee Bariga Afrika.







