Uganda, 1 November 2025 - Xulka Soomaaliya ee U-17, oo lagu naaneyso “Ocean Stars”, ayaa kusoo baxay Group A ee isreebreebka ciyaartooyda ka yar 17 ee Koobka Qaramada Afrika (AFCON) oo ay qabanayso Xiriirka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA). Tartankan ayaa lagu qaban doonaa dalka Itoobiya inta u dhaxaysa 15-ka Nofembar ilaa 2-da Diseembar 2025.
Isku-aadka, oo lagu qabtay Jimcaha magaalada Mengo, Uganda, waxaa kormeeray Andrew Jackson Oryada, Madaxa Suuq-geynta iyo Isgaarsiinta ee CECAFA, kaasoo sheegay in tartankan uu fursad muhiim ah u yahay dhalinyarada, si ay uga qaybqaataan ciyaaraha heer qaran iyo kuwa caalami ah.
“Tani waa fursad dahabi ah oo CECAFA u abuurtay dhalinyarada si ay uga qaybqaataan tartanka heer goboleed. Kooxaha ugu sareeya ayaa u gudbi doona heerka Afrika, ugu dambeynna u tartami doona FIFA U-17 World Cup.” Ayuu yiri Oryada
Wadamada ku jira Group A waxaa ka mid ah: Itoobiya (oo martigelinaysa), Soomaaliya, Kenya, Koonfurta Suudaan, iyo Rwanda. Ciyaaraha Group A waxaa lagu ciyaari doonaa Abebe Bikila Stadium ee magaalada Addis Ababa.





