Muqdisho (Dawan)– In ka badan 6,000 oo calooshood-u-shaqaystayaal Kolombiyaan ah ayaa la sii mariyay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, loona qaaday dagaalka Suudaan, sida lagu sheegay warbixin muuqaal ah oo uu habeenimadii Talaadada baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV). Warbixinta ayaa Imaaraadka Carabta ku eedaysay inuu ka dambeeyay daabuliddooda.
Warbixintu waxay sheegtay in tan iyo markii uu dagaalka Suudaan qarxay bishii Abriil 2023, kaas oo u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan iyo xoogagga ka soo horjeeda, magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ay noqotay goob laga daabulo calooshood-u-shaqaystayaasha Kolombiyaanka ah.
Sida warbixintu sheegtay, calooshood-u-shaqaystayaashu waxay Boosaaso ku iman jireen iyagoo rakaab caadi ah. Muuqaallada la baahiyay ayaa muujinaya inaysan wadan qalab ciidan, isla markaana aysan lahayn astaamo muujinaya inay yihiin ciidamo.
Marka ay garoonka yimaadaan, waxaa lagu qaadi jiray basas ay warbixintu sheegtay inay ka mid ahaayeen gaadiid ay Dowladda Qatar ugu deeqday Soomaaliya, kaddibna Puntland loogu wareejiyay adeegga dadweynaha. Basaskaas ayaa la sheegay inay calooshood-u-shaqaystayaasha geyn jireen saldhig uu Imaaraadku ku leeyahay gudaha magaalada Boosaaso.
Warbixintu waxay sheegtay in calooshood-u-shaqaystayaasha iyo hubka laga sii qaadi jiray Boosaaso, loona gudbin jiray goobo ay ka mid yihiin:
Umm Jaras oo ku taalla dalka Jaad.
Nyala oo ku taalla gobolka Darfur ee Suudaan.