Gaalkacyo (Dawan)– Wasaaradda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya, oo kaashanaysa Wasaaradda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Galmudug, ayaa 60 haween ah oo ku hawlan ganacsiga caanaha magaalada Gaalkacyo ku wareejisay qalab ganacsi oo loogu talagalay in lagu hagaajiyo kaydinta caanaha laguna yareeyo khasaaraha.
Qalabka la bixiyay waxaa ka mid ahaa qaboojiye ku shaqeeya tamarta cadceedda iyo qalab kale oo loogu talagalay kaydinta caanaha, sida ay sheegtay Wasaaradda Xoolaha ee dowladda federaalka Talaadadii.
Taageeradan ayaa qayb ka ah barnaamij ballaaran oo la filayo in lagu gaarsiiyo ilaa 1,000 haween ah oo ka ganacsada caanaha guud ahaan Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay in la yareeyo khasaaraha caanaha, la wanaajiyo badqabka iyo tayada caanaha, isla markaana la kordhiyo dakhliga maalinlaha ah ee ganacsatada yaryar ee ku jira silsiladda ganacsiga caanaha.
Agaasimaha Waaxda Ganacsiga ee Dowladda Hoose ee Gaalkacyo, Bashiir Ciise Geeddi, ayaa uga mahadceliyay dowladda federaalka, Bangiga Adduunka iyo wasaaradaha Xoolaha ee dowladda federaalka iyo Galmudug taageerada ay siiyeen mashruucan.
Wuxuu sheegay in qalabku uu haweenka ka caawin doono inay si wanaagsan u ilaashadaan caanaha, isla markaana ay yareeyaan khasaaraha ka dhasha marka caanuhu iib la’aan ku dhacd.
“Qalabkan waxaa loogu talagalay inuu ka caawiyo inay ka faa’iideystaan ganacsigooda yaryar, isla markaana ay iska ilaaliyaan khasaaraha marka qiimaha caanuhu hoos u dhaco,” ayuu yiri Geeddi.
Wuxuu sidoo kale sheegay in qalabku haweenka ka caawin doono inay yareeyaan ku tiirsanaanta koronto qaali ah oo loo isticmaalo qaboojinta, isla markaana ay caanaha muddo dheer ku hayn karaan xaalad wanaagsan.