Muscat (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan rasmi ah kula yeeshay magaalada Muscat dhiggiisa Cumaan, Sayyid Badr bin Hamad Al Busaidi, intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Saldanadda Cumaan.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Cumaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashi ka dhex abuurma dhinacyo kala duwan oo ay wadaagaan labada dal.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta gobolka iyo tan caalamiga ah si loo horumariyo amniga, xasilloonida iyo horumarka waara.


