Muqdisho (Dawan) – Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Finland ayaa bilaabay xoojinta iskaashiga dhanka la-dagaallanka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka, iyadoo maanta magaalada Muqdisho laga furay tababar sare loogu qaadayo awoodda saraakiisha ka shaqeysa arrimaha socdaalka, amniga xuduudaha iyo ka hortagga dambiyada la xiriira tahriibka.
Tababarka, oo ay bixinayaan khubaro ka socota Dowladda Finland, waxaa furay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf, kaas oo sheegay in tahriibka iyo ka ganacsiga dadka ay yihiin khataro sii kordhaya oo saameyn ku leh bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, haweenka iyo carruurta.
Agaasimaha ayaa tilmaamay in dadka qaar lagu qaldo rajooyin been abuur ah oo ku saabsan nolol ka wanaagsan, taas oo mararka qaar horseedda tahriib halis ah iyo ka faa’iideysi bani’aadamnimo.
“Soomaaliya oo leh xuduudo dheer waxay u baahan tahay saraakiil leh aqoon iyo xirfad ku filan oo wax looga qaban karo tahriibka iyo ka ganacsiga dadka,” ayuu yiri Agaasimaha Guud.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la-dagaallanka tahriibka aanu ahayn hawl ay hal hay’ad keliya qaban karto, balse uu u baahan yahay iskaashi adag oo dhex mara hay’adaha dowladda, saaxiibada caalamiga ah iyo bulshada.


