Azerbaijan (Dawan ) – Soomaaliya iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa ka wadahadlay iskaashiga dhinacyada guriyeynta, horumarinta magaalooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha intii uu socday shir ka dhacay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xoghaynta Guud ee GCC, Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka Jaasem Maxamed Albudaiwi ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya Ayuub Ismaaciil Yuusuf, xilli uu socday shirweynaha 13-aad ee Madasha Magaalooyinka Adduunka (WUF13).
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xiriirka Soomaaliya iyo GCC, gaar ahaan dhinacyada horumarinta magaalooyinka, guriyeynta iyo mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha.
Albudaiwi ayaa sidoo kale markale xaqiijiyay taageerada GCC ee amniga, xasilloonida, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa cadaadis sii kordhaya oo la xiriira magaaloobidda, abaarta, colaadaha iyo barakaca dadka.


