Jabuuti – Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay kulan ku yeeshay qasriga madaxtooyada Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga gobolka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish, isbeddellada ka socda gobolka Badda Cas, iyo kobcinta iskaashiga guud ee Geeska Afrika.
War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) ayaa lagu yiri: “Kulankan wuxuu mar kale caddaynayaa xiriirka taariikhiga ah ee nagala dhexeeya Jabuuti. Dadaalka wadajirka ah ee aan ku wajahno argagixisada iyo sugidda amniga gobolka wuxuu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.”