Soomaaliya, 9 Febraayo 2026 (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta oo Isniin ah la kulmay wafdi heer sare ah oo ka socday Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga gobolka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Wafdiga oo ay horkacayeen Wasiiru-dawlaha Jarmalka ee Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta, Niels Annen, iyo Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Sebastian Groth, ayaa wadahadallo qoto dheer kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha magaalada Muqdisho, kuwaas oo diiradda lagu saaray danaha wadajirka ah ee labada dal.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa uu wafdiga warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray hawlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda, iyo dadaallada lagu hirgelinayo doorashooyin toos ah oo ka bilowda dowladaha hoose.







