Soomaaliya (Dawan) — Soomaaliya iyo Liibiya ayaa Jimcihii ku yeeshay wada-hadallo heer sare ah magaalada Tripoli, iyadoo diiradda la saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo wax ka qabashada tahriibka sharci darrada ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa la kulmay ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Liibiya, Taher Al-Baour.
Wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray xaaladda tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku safra waddooyinka halista ah ee Liibiya, kuwaas oo wajahaya tacaddiyo iyo ka faa’iidaysi ay geystaan shabakado tahriibiyaal ah.


