Nouakchott (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania ayaa magaalada Nouakchott ku kala saxiixday heshiis lagu dhisayo Guddi Wadajir ah oo Iskaashi, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, maalgashiga, waxbarashada iyo diblomaasiyadda.
Heshiiska ayaa lagu saxiixay kaddib kulan rasmi ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mauritania, kaas oo dhex maray Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Muwaadiniinta Mauritania ee Dibadda, Maxamed Saalim Walad Marzuuq.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale kala saxiixday laba heshiis is-afgarad oo ku saabsan wadatashiga siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mauritania iyo iskaashiga dhinaca tababarka diblomaasiyadeed, kuwaas oo lagu xoojinayo xiriirka hay’adaha diblomaasiyadeed ee labada dal.
Sida lagu heshiiyay, Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga ayaa noqon doona hannaan rasmi ah oo labada dowladood ay ku qorsheeyaan, ku daba-galaan, kuna hirgeliyaan barnaamijyada iyo mashaariicda iskaashi ee ay wadaagaan.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Mauritania, iyagoo ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee danaha u leh labada shacab.