Muqdisho (Dawan)– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Cumar Afrah, ayaa kulan la yeeshay Axadii Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada duulista iyo amniga garoomada diyaaradaha, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii horumarin lahaa taageerada farsamo ee Qaramada Midoobay si loo xoojiyo awoodda Wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada duulista rayidka, nidaamyada amniga iyo badqabka garoomada diyaaradaha.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay marxaladda kala-guurka iyo muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshe mideysan oo lagu xaqiijinayo in hay’adaha Soomaaliyeed ay si hufan ula wareegaan masuuliyadaha la xiriira howlaha duulista iyo taageerada farsamo.