Riyaad, 7 November 2025 (Dawan) — Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa magaalada Riyaad heshiis is-afgarad kula saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Cabdulcasiis bin Turki Al-Faysal.
Heshiiska ay labada dal ayaa dhigaya, dib u dhiska garoomada, kor u qaadista xirfadaha dhallinyarada, iyo abuurista fursado shaqo lagu sameeeyo, dabcan Sacuudiga ayaa Soomaaliya ka taageeraya intaan.
Wasiirka ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Riyaad kulamo la yeelan doona qaar ka mid ah wasiirrada dhigiisa ee dalalka Jaamacadda Carabta, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga dhanka dhallinyarada, ciyaaraha iyo fursadaha tacliinta.








