Sacuudi Carabiya, 19 Febraayo 2026 (Dawan)- Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa maanta saxiixay heshiis iskaashi istiraatiiji ah oo dhinaca badda ah, kaas oo ujeeddadiisu tahay kor u qaadista marinnada ganacsiga iyo hagaajinta dhaqdhaqaaqa rakaabka iyo alaabaha ganacsiga ee u dhexeeya labada dal.
Heshiiska waxaa saxiixay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka ee Sacuudiga, Saalax bin Naasir Al-Jasser, sida ay ku dhawaaqday Hay’adda Guud ee Gaadiidka Sacuudiga (TGA) maanta oo Khamiis ah.
Bayaan kasoo baxay hay’adda TGA ayaa lagu sheegay in heshiiska ujeeddadiisu tahay fududeynta marinnada maraakiibta ganacsiga iyo kor u qaadista hufnaanta howlaha shaqo ee rakaabka iyo xamuulka labadaba, iyo sidoo kale isweydaarsiga khibradaha farsamo.








