Beijing, 19 Sebteembar 2025 – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa Jimcihii kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca Qaranka Shiinaha, Dong Jun inta lagu gida jiray shirweynaha caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan. Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, tani waxay ahayd kulankii ugu horreeyay ee heer wasiir difaac labada dal yeeshaan ku dhowaad 40 sano.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Wasiir Fiqi uu dhiggiisa Shiinaha uga warbixiyay horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo difaaca Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa soo warisay in Wasiirka Difaaca Shiinaha uu ammaanay dib-u-habaynta Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay “tallaabooyin muuqda oo rajo iyo xasillooni ah oo muujinaya go’aanka Soomaaliya ee dib u dhiska amniga iyo xoojinta hay’adaha difaaca qaranka.”
Sida ay sheegtay Wasaaradda, labada dhinac ayaa ku celiyay ballanqaadkooda ku aaddan ballaarinta iskaashiga labada dal, iyagoo diiradda saaraya la dagaallanka kooxaha hubeysan, xasilloonida gobolka, taageerada hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.