MuqdishoAbriil 9 (Dawan) — Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa Arbacadii magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Switzerland ee Soomaaliya, Mirko Giulietti, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo xasilloonida, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha.
Wasaaradda ayaa sheegtay in kulanka diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay xustay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha la-dagaallanka argagaxisada, iyagoo isla qaatay muhiimadda ay leedahay iskaashiga sirdoonka, tababarka ciidamada iyo taageerada farsamo ee looga hortagayo khataraha amni.


