Muqdisho (Dawan)– Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis lagu hirgelinayo mashruuca QEPHS-SOM, oo lagu xoojinayo laguna ballaarinayo adeegyada caafimaadka aasaasiga ah ee dalka.
Heshiiska waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan iyo Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi, iyadoo ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin ka socotay Hay’adda Talyaaniga u qaabilsan Iskaashiga Horumarinta (AICS).
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in mashruucan uu yahay “tallaabo muhiim ah” oo lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka dalka, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah ee si toos ah u taabanaya bulshada.
Mashruuca QEPHS-SOM ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, la isku halleyn karo oo loo siman yahay, iyadoo diiradda la saarayo yaraynta farqiga u dhexeeya magaalooyinka iyo miyiga, si loo gaarsiiyo adeegyada meelaha baahidu ka jirto.


