Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa maanta oo Jimco ah Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi amni oo lagu xoojinayo tababarrada booliska, la-dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga hay’adaha amniga, sida ay sheegtay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya.
Heshiiska waxaa kala saxiixday Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Matteo Piantedosi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Soomaaliya.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, heshiiska ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, tababarrada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, la-dagaallanka argagixisada, horumarinta hay’adaha amniga iyo arrimaha socdaalka.
Kulanka waxaa Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ku weheliyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Xasan Shire.