Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay Muqdisho Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi, iyagoo ka wada hadlay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo horumarinta dalxiiska.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sahminta fursadaha lagu hirgelin karo mashaariic wadajir ah oo taageeraya horumarinta hay’adaha warbaahinta, is-dhaafsiga dhaqanka iyo kobcinta dalxiiska Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, Wasiirka iyo Danjiraha Talyaaniga ayaa booqday Xarunta Tiyaatarka Qaranka, waaxyaha warbaahinta dowladda iyo kaydka taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ku arkeen howlaha socda iyo dadaallada lagu horumarinayo awoodda hay’adaha.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay dib-u-soo-nooleynta barnaamijyada ku baxa luqadda Talyaaniga ee Radio Muqdisho, horumarinta filimada iyo wax-soo-saarka warbaahinta, iyo dhiirrigelinta is-dhaafsiga dhaqanka si loo sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.