Ankara (Dawan)– Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Isniinti kala saxiixday heshiis iskaashi dhanka isgaarsiinta ah, kaas oo fursad u siinaya shirkadaha Turkiga inay ka shaqeeyaan mid ka mid ah suuqyada isgaarsiinta ee ugu firfircoon Afrika.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) iyo Hay’adda Tignoolajiyada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Turkiga (BTK) ayaa heshiiskan is-afgarad (MoU) ku kala saxiixday xarunta dhexe ee BTK. Waxaa hay’adahaas matalay Maareeyaha Guud ee NCA, Mustafa Yaasiin Sheekh, iyo Guddoomiyaha BTK, Ömer Abdullah Karagözoğlu.
Heshiiskani waxa uu daboolayaa dhinacyada nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga internet-ka, maaraynta hirarka, kaabayaasha internet-ka , amniga shabakadaha, iyo maamulka internet-ka.
Suuqa isgaarsiinta ee Soomaaliya ayaa ka soo baxay tobanaan sano oo aanay jirin kormeer dowladeed, wuxuuna noqday mid ka mid ah suuqyada ugu tartanka badan Afrika. Shirkadaha gaarka loo leeyahay sida Hormuud Telecom, Somtel, Golis Telecom, iyo Telesom ayaa bixiya adeegyo taleefan oo qiimo jaban iyo nidaamyada lacagta moobilka ee ugu casrisan.





