Muqdisho (Dawan)– Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Iskaashiga iyo Isku-duwidda Turkiga (TIKA) ayaa shalay ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Axmed Xasan Aadan.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay wafdi ka socday xarunta dhexe ee TIKA, oo ay ku jireen khubaro ku takhasusay kalluumeysiga iyo dhaqaalaha badda, iyadoo looga hadlay doorka ay hay’addu ka qaadan karto horumarinta kalluumeysiga xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay soo jeedisay in TIKA ay taageerto bulshada ku nool deegaannada xeebaha, gaar ahaan dhinacyada tababarrada farsamada iyo horumarinta xirfadaha la xiriira kalluumeysiga.