Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo uu ka mid ahaa Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, dardargelinta howlaha wadajirka ah iyo taageerada la xiriirta tayeynta ciidamada Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay tababarrada ciidamada, dhismaha awoodda difaaca iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tayeynta ciidamada iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
“Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda Turkiga doorka hagar la’aanta ah iyo garab istaagga ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, sida lagu sheegay qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.


