Istanbul (Dawan) – Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta oo Jimco ah magaalada Istanbul ku kala saxiixday laba heshiis oo lagu horumarinayo tacliinta baddaha iyo xoojinta qaab-dhismeedka sharci ee maamulka baddaha Soomaaliya, sida ay shaacisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.
Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Heshiiska koowaad waxaa lala galay Jaamacadda Piri Reis, halka kan labaad lala saxiixday Xarunta Cilmi-baarista Sharciga Baddaha ee DEHUKAM.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, heshiiska Jaamacadda Piri Reis wuxuu diiradda saaraya horumarinta tacliinta iyo tababarrada baddaha, iyadoo shaqaalaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo howl-wadeennada dekadaha Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado waxbarasho, tababarro xirfadeed iyo barnaamijyo kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadahooda.
Dhanka kale, heshiiska lala galay DEHUKAM wuxuu xoogga saarayaa xoojinta qaab-dhismeedka sharci ee maamulka baddaha Soomaaliya.