Muqdisho, 24 Diseembar 2025 (Dawan) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Talaadadii la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka iyo badda.
Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Ankara, caasimadda Turkiga, iyadoo labada wasiir ay diiradda saareen xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada badda iyo gaadiidka. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horay u wada galay heshiisyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin ilaalinta badda iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qeyb ka ahaa wafdi Soomaaliyeed oo ka qayb galay saxiixa heshiiska Shirkadda OYAK iyo Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, kaas oo ka dhacay Turkiga 17-kii Diseembar 2025. Heshiiskan ayaa ujeedkiisu ahaa in hawlaha kalluumeysiga ee Soomaaliya lagu maamulo nidaam dhexe , isla markaana si buuxda loo diiwaangeliyo.




