Kambaala (Dawan ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa maanta oo Khamiis ah ku kulmay magaalada Kambaala, iyagoo ka wada hadlay taageerada Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), maalin ka hor shir-madaxeedka dalalka ciidamadoodu ka qayb qaataan howlgalka.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaallanka Al Shabaab, dhismaha hay'adaha dowladda iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyneyaashu waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan muhiimadda shir-madaxeedka AUSSOM ee Jimcaha ka furmaya Kampala, kaas oo la filayo inuu diiradda saaro taageerada amniga Soomaaliya, mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika iyo iskaashiga gobolka.